Aqriso Sir Ay ka Heshey Degmada Afgooye Daafeet Media Boobka ka Socda Degmada Afgooye Iyo Kaalinta Maamulka Shariif Kaga Jiro Boobkaas

0
112

shabelaha-hooseFadeexad tii ugu darneyd oo Afgooye ka taagan kadib markii Shariif Xasan oo u magacaabey Isuduwaha Wasaarada Maaliyadda ee Gobalka Sh/hoose Shaqsi kasoo jeeda Maamulka Gal Mudug iyo Shaqsigaas oo shaqaalo iyo Maleeshiyaad Reer GalMudug & Hiiraab Shabelle isugu jira Afgooye geystay :
Liiska Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka KGS oo “si Kumeelgaar ah ay u maamulaan GalMudug/HiirShabeele” Gobalka Sh/hoose qaasatan Degmada Afgooye ee Qabiiladooda iyo Mushaaraadkooda, iyo shaqaalo badan oo aan Wasaarada u diiwaan gashaneyn oo si Qabiili ah ay ku keeneen Shaqada Isu duwaha Wasaaradda Maaliyadda Isuduwaha cusub Mr. Shaafici Axmed Cali Cakoore oo “reer GalMudug ah”, Xildhibaan Mahad Dhoore oo KGS kumeelgaar kujooga oo “Reer GalMudug ah” iyo Xildhibaan Abuukar Garmaqaadhe oo KGS kumeel gaar ku jooga oo “Hiraab Shabeele ah”:

Bal nala aqrista magacyada iyo qabaa’ilada ay kasoo jeedaan iyo gunooyinka ay qaataan maalin walba

sh-hoose

sh-hoose-2

Ma ogtahay Lacagta Guud ee maalintii ku baxda Shaqaalahan oo isugu jira kuwo u diiwaangalsan Wasaaradda Maaliyadda KGS iyo kuwo si tuugeysi ah loosoo geliyey Shaqada:
Maalintii shilig somali waxaa ku baxa 20,170,000 halka marka dollarka mareykanka loo bedelo ay ku baxdo $ 840.42 dollar, halka bishii ay noqoto shiling somali 605,100,000 kolka dollarka mareyka loo bedelana ay gaareyso $25,212.5 oo dollarka mareykanka lacagta sanadkii ku baxda 12 ruux ayaa sanadkii waxaa ay kor u dhaafeysaa shiling somali 7,261,200,000 ama 302.550 dollarka mareykanka.

Mase la socotaa Xubnaha Liiskaan 12 kamid ah Wasaaradda Maaliyadda uma shaqeeyaan, taasi macnaheedu waa 48% in lagu xadgudbay Habka shaqaaleysiinta ee Wasaaradda Maaliyadda ee KGS.

Mase ogtahay Xubnaha Liiskaan 90 % in ay yihiin Hawiye, 6% Miriflaha, halka 4% ay yihiin dadka deegaanka is kaleh una dhashey.

ma ogtahay Lacagta Bishii kubaxda Liiska Xubnahan oo ah ($25,212) in bishii Mushahar looga dhigi karro Hal Urur 252 Askari waa haddii la siiyo min ($100).
Fiiro gaar ah: Xildhibaan Mahad Dhoore “Habargidir/Saleemaan ah” Xildhibaan GalMudug ah oo si Kumeelgaar u jooga KGS iyo Xildhibaan Abuukar Garmaqaadhe “Abgaal/Harti Abgaal ah” Xildhibaan HirShabeele oo si Ku meelgaar ah u jooga KGS: waxay maalintii qoondo ahaan Afgooye ugu qaataan qofkiiba $200.00, taasoo ka dhigan in maalintii ay qaataan ($400) Afar Boqol oo Doolar Maalintiiba.